Jubbaland oo Maanta soo geba-gabeeyneysa diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka

42

Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa la filayaa in Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Jubbaland inay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta Musharrixiinta lix kursi oo dhawaan lagu dooran doono Magaalada Kismaayo.

Guddiga ayaa shalay bilaabay diiwaangelinta, waxaana musharrixii ugu horreeyay uu noqday Xamse Cabdi Barre oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Guddigii doorashooyinka ee lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed. Islaam.

Maalinta Berito ah oo taariikhdu ku beegan tahay 28/12/2021 ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada lixda kursi ee kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada u diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, waxaana kuraasta intooda badan uusan jirin tartan adag oo ka dhici dona doorashada.