Wasiirka Amniga Oo Digniin U Diray Xubno Ku Howlan Dhibaateynta Rooble

45

Iyadoo dhawaan Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku dhawaaqay in Ciidamada Qalabka sida ay si toos ah uga amar qaadan doonaan Xukuumaddiisa ayaa waxaa warbaahinta la hadlay goor dhaweyd Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeenno ka tirsan Xukuumaddiisa.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Rooble Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa Xubnaha hadlay, waxaana uu sheegay in tallaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan shaqsiyaad ku howlan qalqal galin iyo dhibaataynta xafiiska Rooble.

Waxaana sidoo akle wax laga xumaado uu ku tilmaamay afgambi uu sheegay in Farmaajo uu isku diyay, isagoo adeegsanaya Cidanka qaranka.

Wasiirka ayaa digiin u diray in shaqsiyaad uu Farmaajo horay ugu qanciyay in ay afgambi sameeyaan ay hadda ka baxeen garabkiisa.