Mahdi Guuleed oo Farmaajo & Rooble ugu baaqay Nabad

29

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleee ( Khadar) ayaa sheegay in uu yahay Nin Nabadeed, wuxuuna Nabad ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble.

Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Mahdi Maxamed Guuleee kuyiri” Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan.

#Soomaaliya Guul

Waxaa saacadihii la soo dhaafay sii xoogeystay khilaafka Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ku dhow in arrin millateri la isku adeegsado.