Mareykanka iyo UK oo sheegay in aan la aqbali doonin qalalaase ka dhaca Muqdisho.

65

Safaaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa qoraal ay bartooda Twitter-ka soo dhigeen waxa ay madaxda ugu sarreysa dowladda Soomaaliya ee khilaafka ka dhex aloosanyahay ugu baaqeen inay si deg deg ah u dajiyaan xiisadda ka taagan Muqdisho.

Safiirka UK, Kate Foster ayaa sheegtay inaan loo dulqaadan karin lana aqbali doonin qalalaaso ka dhaco magaalada Muqdisho.