Madaxweynaha Galmudug oo deg deg ku imaanaya Magaalada Muqdisho

67

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa lagu wadaa in uu deg deg ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, isaga oo hadda ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoor Qoor oo aan weli cadeyn mowqifkiisa ku aadan in uu ka qeyb galayo Shirka uu ku baaqay Rooble ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Qoor Qoor uu bilaabi doono waan waan lagu xalinaayo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo  Rooble.

Dgowr jeer oo hore Madaxweynaha Galmudug ayaa isku dayay in uu xaliyo khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble balse uu ku guuldareystay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa aad u xoogeystay saacadihii la soo dhaafay.