Koofur Galbeed”kama qeybgalayso shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha”

54

Baydhabo-KNN-Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in aysan ka qeyb geli doono shirka uu icmaaliyay Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay diyaar u yihin ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka

Baydhabo, 26ka Diseembar 2021: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.

Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.