Guddiga doorashada Gobolada Waqooyi oo shaaciyay doorashada19 kursi

51

Guddiga maamulaya doorashada Gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa Maanta shaaciyay liiska 19 kursi ee dhawaan la qaban doono doorashadooda, taas oo ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

19-kursi ayaa waxaa kujiro kuraas ay horay Guddiga u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin 19-ka kursi.

1: HOP205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir  Cabdiraxmaan

2: HOP246 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamed Jaamac

3: oo uu ku fadhiyo Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir

4: HOP240 oo ay ku fadhiso Suuri Diiriye Carab

5: HOP247 oo ay ku fadhiso Khadro Maxamed Dukaale.

6: HOP245 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Axmed Suge

7: HOP268 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cali Xagaa oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga.

8: HOP269 oo uu ku fadhiyo Maxamed  Cabdullaahi Kaamil.

9: HOP267 oo ay ku fadhiso Saynab Maxamed Caamir.

10: HOP259 oo uu ku fadhiyo Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis

11: HOP258 oo ay ku fadhiso Sahro Yuusuf Cige

12: HOP243 kursigaan waxaa horay isaga casilay Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee dalka Maxamed Cumar Carte.

13: HOP206 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Ibraahim Cabdi

14: HOP263 oo uu ku fadhiyo Muuse Saciid Jaamac

15: HOP241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamuud

16: HOP 212 oo ay hadda ku fadhiso Nuuriye Aadan Ciise.

17: HOP207 oo uu ku fadhiyo Feysal Cumar Guuleed

18: HOP2015  waxaa kursigaan hadda ku fadhiya Faatix Saciie Xasan

18: HOP224 waxaa kursigaan horay ugu fadhiyay Saalax Axmed Jaamac, balse sanadkaan uu u wareegay dhanka Aqalka Sare.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada qaar kamid ah kuraasta Maanta la shaaciyay.