Qaramada Midoobay oo u hoggaansantay amarkii dowladda Soomaaliya

50

Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ixtiraamayaan go’aankii dowlada Soomaaliya ay ku xirtay qeybta ay ka isticmaalaan garoonka diyaaraha Aden Adde ee loo yaqaan MOVCON, waxayna sheegeen in laga bilaabo maanta ay joojiyeen isticmaalkiisa.

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed goor dhaweyd ka soo baxay Qaramada Midoobay.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin.” ayuu sii raaciyay Bayaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay ka xuntaha, waxa ay ugu yeereen xiritaan ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin, waxayan sheegeen inay wadahadallo la arrintaan kala yeelanayaan madaxda dowladda.

“Qaramada Midoobay waxaa weli ka go’an wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay jiraan carqaladahan ka dhan ah hawlgalka.” ayaa lagu soo gaban-gabeeyay war-murtiyeedka Qaramada Midoobay.