Wasaaradda Shaqada oo Digniin culus u dirtay shaqaalaha rayidka ee Dowladda.

26

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Qaasim ayaa shir guddoominayay kulan uu la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullahi Maxamed Cali iyo Agaasimayaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,

Shirka ayaa waxaa looga hadlay hadal dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada oo ujeedadiisu ahayd soo celinta Shaqaalaha. isla markaana digniin ku socota qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka dowladda loogu diray taas oo ku aadan soo xaadiridda goobahooda shaqada.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa u sheegay Agaasimayaasha in ay la xisaabtamayaan Shaqaalaha Waaxyaha ka howlgala, isla markaana ay soo sheegaan shaqaalaha maqan, maada