Sarkaal ka tirsan ciidamada Jubaland oo qarax lagu dilay

25

Magaalada Kisaamyo, sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa maanta ku dhintay qarax loogu xiray baabuurkiisa.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegay in sarkaalka uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Magaalada, islamarkaana qaraxa gaariga loogu xiray intii ku jiray Masaajidka.

Waxaa uu sheegay in qaraxaasi iyo weeraradii ka dhacay duleedka Kismaayo ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgalinaayo ammaanka doorashooyinka maamulka Jubbaland oo dhawaan bilaaban doonna.

Hay’adaha Amaanka ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaano lagu xaqiinayo Amaanka.