Saciid Deni ayaa la kulmay wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

28

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Madaxtooyada Puntland  ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar  Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay Dagaalkii Dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka iyo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay hogaanka ciidanka PSF.

Kulankaan ayaa imaanayo iyadoo  xalay  Madaxweynaha  Puntland ugu baaqay  Waxgarad iyo Isimada Puntland in ay ka qeyb qaataan nabad lana  dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso,