DEG DEG:-Guddoomiyihii Guddiga Doorashada Heer Federaal Oo Xilka Laga Qaaday

49

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro xilka qaadis lagu sameeyay, kadib kulan Maanta ay yeesheen xubno ka tirsan Guddiga doorashada.

Inta badan xubnaha Guddiga doorashada heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulan aan caadi aheyn ku yeesheen Hotelka ay xubnaha Guddiga degan yihiin oo ku dhex yaalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheega in Guddoomiyihii Guddiga doorashada shaqda ka ceyryeen oo xilka ka qaadeen 18 ka mid ah guddiga, waxaana ay ku eedeeyeen xil gudasho la’aan, musuq iyo ku milmid Arrimaha siyaasadda dalka.

Maxamed Xasan Cirro ayaan weli ka hadlin xilka qaadista ay ku sameeyeen xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal, sidoo kalena ma jiro Guddoomiye ay doorteen xubnaha Guddiga doorashada oo bedelaya Maxamed Cirro.

Xilka qaadistaan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta la sheegay inuu fashil kusoo dhammaaday qorshe lagu doonayay in xilka looga qaado Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, hayeeshee goordhow ayaa la xaqiijiyay in xilka laga qaaday.