Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Puntland ku qaabilay Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynihii hore ee Puntland Sanatar Cabdiraxmaan Faroole, Ra’iisalwasaarihii hore ahna Madaxweynihii hore Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda.
Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay Dagaalkii Dhawaan ka dhacay Magaalada Boosaaso iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka iyo khilaafkii ka dhashay xil ka qaadistii lagu sameeyay hogaanka ciidanka PSF.
Kulankaan ayaa imaanayo iyadoo xalay Madaxweynaha Puntland ugu baaqay Waxgarad iyo Isimada Puntland in ay ka qeyb qaataan nabad lana dhammeeyo shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso,