MW Deni Oo La Kulmay Madaxweyneyaashii Hore Ee Puntland Iyo CC Sharmaake

48

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisal wasaarihii hore ee Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweyneyaashii hore ee Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.

Kulanka Madaxda iyo Madaxweyne Drni ayaa isugu jiray soo dhaweyn iyo is xog-wareysi, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo la hadlay warbaahinta kulanka kadib.

Afhayeenka Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid ay ka qeyb qaadan doonaan doorkooda nabadeynta, xili Deni uu ugu baaqay dhammaan Masuul, Siyaasi, Waxgarad iyo Isimada Puntland in laga wada qeyb qaato nabad.

Kulanka oo ahaa soo dhoweyn waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Goleyaasha Puntland iyo Qaar ka mid ah siyaasiyiin.

Madaxdii hore ee Puntland ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweynaha Maamulkaas Saciid Deni, Isimada, Waxgaradka iyo Culimada, iyagoona kala hadli doona xalinta xiisada taagan ee sababta dagaaladii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Faroole, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid ayaa maalmo kahor ku baaqay in la joojiyo dagaaladii dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa PSF oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, sidoo kalena ay ku barakaceen boqolaal qoys.