Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda

48

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta isku dhiibay ciidanka Nabad sugidda ee ka howlgalla Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan magaalo Jowhar.

Sedaxda xubnood ee isku dhiibay ciidanka dowlada ayaa magacyadooda waxa lagu kala sheegay Cali Cabdullaahi, Axmed Cabdullaahi Maxamed iyo Cabdullaahi Xasan Maxamed oo muddo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliyaha Nabad sugidda Degmada Jowhar Cali Xasan Maxamuud (Cali Dheere) ayaa ugu baaqay dhallinyarada ka barbar dagaalama Al-Shabaab inay soo raacaan wadada ay mareen saaxiibadooda, ayna isku soo dhiibaan Ciidanka dowladda.