Taliska PSF oo aqbalay xabad joojintii ay ku baaqeen Odayaasha dhaqanka

50

Taliska Ciidanka PSF ee diidday xilka qaadistii Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay aqbaleen dadaallada nabadeed ee ay waddaan Odayaasha dhaqanka Puntland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka PSF ayaa Siddaan u qornaa:

Ka dib kulano iyo xiriiro ay nala yeesheen Isimo, Culumo, Ganacsato iyo Bulshadda rayidka ah waxa an soo dhaweynaynaa dadaaladooda nabadeynta ah.

Waxaan caddeyn aynaa in dhinacayagu ahaa mar walba difaac oo annagu marna aysan jirin sabab aan xabadda ku bilowno.

Waxaan dhinacayagu sidii horeba u ogolnahay wadahalka iyo heshiis lagu gaaro xal iyo nabad.
Haddaba waxaan dhinacayagu sameyn aynaa xabad-joojin iyo xasi- looni h aduu alle nagu simo.