Wasiirka Amniga Puntland oo beeniyay hadal kasoo yeeray Duqa Boosaaso

56

Wasiirka Amniga maamulka  Puntland oo wareeysi siiyay BBC-da ayaa ka hadlay Warar soo baxayay oo sheegayay in ciidanka GorGor ay qeeyb ka ahaayeen Dagaalkii ka dhacay magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka bari.

Wasiirka ayaa beeniyey warkaasi isagoona yiri “Majiro ciidan Gorgor ah oo ka dagaalamaya Boosaaso, Arintaas cidii ka hadashay baa la waydiinayaa Laakiin ogaalkayo majiraan,”

Hadalka wasiirka  ayaa imaanayo iyadoo Duqa Degmada Boosaaso uu shalay warbaahinta u sheegay in Xerada PSF ay ka dagaalamayaan ciidamo Gorgor katirsan.