Askari dilay dad Shacab ah oo Maanta dil toogasho lagu fuliyay

57

Maxkamada darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa maanta dil toogasho ah ku filisey dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo bishii aynu soo dhaafney Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro oo xilliga la dilayay ku sugnaa goob Kubadda Cagta lagu ciyaarayay oo ku taal degmada Beledxaawo.

Maxkamada ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiska xukunsanha,iyadoona ugu dambeyntii 9-Bishaan Xukunkiisa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule.

Goobta xukunka toogashada lagu fulinayay ayaa waxaa  gobjoog  ka ahaa xafiska xeer ilaalinta maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ee ka howlgasha degmada Baladxaawo, Ehellada Dhalinyaradii uu dilay iyo dad kale oo daawanayay.