Cumar filish oo kulan la qaaray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

57

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Ujeedka Kulankaan ayaa ahaa mid looga arinsanayay   sidii loo dar-dar gelin lahaa  Doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda.

Waxaana Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho u balan-qaaday Guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan Kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso gobolka Banaadir.