Dagaal saacaado qaatay kadib waxaa Ciidanka gaarka ah ee PSF usuura gashay in ay la waregay Xaruntii Madaxtooyada Bosaaso iyo xarumo kale oo ay horay ugu sugnayeen Ciidanka Dowlada Puntland sisoo kalana waxa ay soo bandhigeen gawaari ay shegeen in ay Dagaalka kula waregeen.
Saka ayaa mar qura lagu soo waabariistay saan-saan colaadeed oo ka tagan magaalada boosaaso waxaana ugu danbeeyntii Dagaal xoogan dhex maray ciidamo ka wadda tir an maamulka putland.
Inkastoo wali lamaqlayo Rasaas teel-teel ah oo dhaceeysa hadana xaladda ayaa sidii hore ka Degan, waxaana inta badan Bara kacay Dadkii deganaa Boosaaso.
Geesta kale waxaa Dhaawac xoogan soo Garay taliyaha madaxtooyada bosaaso isagoona ku dhaawacmay Dagaalkii saak ka dhacay magaalada boosaaso, waxaana lasoo warinayaa in dhawaciisa uu yahay mid aad udaran yahay.