Madaxweyne Geelle” Qalbigan ka ooynaa markii aan maqalno in qarax ka dhacay Soomaaliya

23

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaraxyada khasaaraha geysta ee mar walba ka dhaca meelo kamid ah Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay markii ay maqlaan inay qalbiga ka ooyaan.

Mudane Geelle waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhacdooyinka ka dhaca Soomaaliya sida qaraxyada & rasaasta ay furan Askarta eek u waxyeelooban dadka rayidka ah laga qaadayo murugo maadaama la dilay dad aan waxba galabsan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku baaqay dadka Soomaaliyeed  inay midoobaan oo garbaha is qabsadaan si loo gaaro guulo waaweyn oo waxtar leh.

Dowladda Jabuuti waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Hiiraan kajooga Ciidamo ku howlgalla Magaca AMISOM, kuwaas oo la dagaalama Al-Shabaab.,