Guddiga maamulka Doorashooyinka Somaliland oo fuliyay amar kasoo baxay R/W Rooble.

23

Doorashada afar kursi oo kamid ah golaha shacabka ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Doorashadda maanta laqabtay ayaa xubnaha kusoo baxay degaan doorashadoodu waxaa ay tahay Somaliland, iyagoona gaaraya ilaa afar xubin.

Afarta kursi ee maanta la doortay ayaa waxaa ku soo baxay Xildhibaan Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi, Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar iyo xildhibaan C/llaahi Cusmaan Ducaale Sugulle.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horay u faray guddiga maamulka Doorashada Somaliland in ay dardar geliyaan qabashada kuraasta doorashooyinka iyo sida laga maarmaanka u tahay hufnaanta doorashooyinka.