Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Somalia oo Hargeysa lagu xiray

20

Waxaa Maanta lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Somaliland Ra’iisul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaaladaasi Hargeysa.

laamaha amniga Somaliland ayaan weli faah faahin sabaha loo xiray mas’uulkaas, kaas oo sfaar ahaa, in kastoo aan la faah fahain halka uu ku wajahnaa , waxaana xarigiisa kasoo baxaya warar kala duwan.

Maxamed Cumar Carte Qaalib Ra’iisul Wasaare kuxoveenkii hore ee Soomaaliya ayaa bishii October ee sanadkii 2020 waxaa cafis u fidiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaddib markii uu iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka, si uu u booqdo aabihii oo xilligaas ku xannuunsanaa Hargeysa oo uu markii dambe geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan soo saaray amar looga mamnuucayo dadka kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland inay ka qeyb galaan howlaha siyaasadeed ee Dowladda Soomaaliya, isla markaana aan la cafin doonin qofkii ka qeyb gala.