Kenya oo laga helay kiisaskii ugu horreeyey ee Omicron

22

Kenya ayaa diiwaan gelisay kiisaskii ugu horreeyey ee Korona fayraska cusub ee Omicron oo laga helay qof safar ahaa, sida uu sheegay wasiirka caafimaadku.

Mutahi Kagwe ma uusan shaacin tirada kiisaska ee la ogaaday ilaa iyo hadda.

Warkan ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii uu sheegay in aysan dalka Kenya ka jirin kiisas la xiriira noocaan cusub, inkastoo kiisaska Korona fayrasku ay sare u soo kacayaan.

Dadka shacabka ah ayaa sidoo kale ku warramaya in kiisaska hargabka ee dalka ka jira ay sare u keceen.

Dadka laga helayo cudurka Covid-19 ee dalka Kenaya ayaa laba jibbaarmay, waxaana Talaadadii oo kaliya la diiwaan geliyey 331 kiis oo cusub, waana tiradii ugu badnayd ee waayadaan la diiwaan geliyo.

Wadarta guud ee kiisaska Covid-19 ayaa joogta 256,815 oo ay ku jiraan 5,349 oo dhisho ah.

Dowladda ayaa ku baaqaysa in dadku ay tallaalka qaataan.

Maxkamad ku taal Kenya ayaa Talaadadii hakisay amarkii dowladda ee ahaa in dadka aan la tallaalin laga mamnuuco inay helaan adeegyada laga bilaabo 21ka December.