Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedyada uga digay dib u dhaca doorashada

82

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markale ka dalbaday Madaxda dowlad Goboleedyada ibay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada, si degdeg ahna u soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in ay muhiim tahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri” Warka lagu qoray Twitterka Safaaradda Mareykanka.

Warkaan kasoo yeeray Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, sidoo kalena Midowga Musharrixiinta ay dalbadeen in la joojiyo doorashada, iyaga oo sheegay in boob lagu haayo.