laamaha Amniga oo howlgal ku qabtay waxyaabaha Maanka dooriya

19

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Maanta waxaa meelo kamid ah Degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir ka sameeyeen howlgalka ka hortagga waxyaabaha Maanka  dooriya, kaas oo maalmihii la soo dhaafay ka socday degmooyin kamid ah Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdish Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish)
oo oo wehlinayeen taliye ku-xigeenka ciidanka boliiska Soomaaliyeed, taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka boliiska iyo taliyaha ciidanka ilaalinta nabadgalyada wadooyinka.

Howlgalka ayaa  waxaa la sheegay in lagu soo qabtaybwaxyaabaha maanka dooriya, kuwaas oo lagu iibinayay Goobo kuyaala degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdish Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegwy in howlgalka kusoo qabteen maandooriyaha, Calaq, Xashiish iyo Qamri farabadan.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Waxyaabaha maanka dooriye ay soo qabteen goob fagaaro ah lagu burburin doono, wuxuuna u digay dadka weli ka Ganacsanaya Maandooriyaha ee kunool Magaalada Muqdisho.

Shalay ayay aheyd markii laamaha Amniga gobolka Banaadir ay howlgal ku qabteen maandooriyaha khamriga iyo Xashiishka, kuwaas oo lagu iibinayay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdosho.