Amniga Degmada Caabud-waaq oo faraha kasii baxaya iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka socda.

42

War kasoo baxay Guddoomiyaha Degmada Caabud-waaq Faarax Cabdille Xasan ayaa lagu sheegay in Degmada ay wajaheyso amni daro faraha kasii baxaya maalmahaan oo ay wadaan Ciidamo kale duwan oo aan ka amar qaadan Galmudug iyo mid Dhexe toona.

“Amniga magaalada Caabudwaaq faraha ayuu ka sii baxayaa maalmahaan, waxaa maagalada dhexdeeda lagu aruurinayaa Ciidamo kala duwan oo aan ka amar qaadan Dawlada Galmudug iyo midda dhexe toona.”

Wuxuu sheegay in uu socdo qorshe Ciidamo lagu uruurinayo, kuwaas oo iskugu jira kuwo hab qabiil u abaabulan iyo kuwo qaab jamhadeed u abaabulan, iyagoo garab ka helaya kuwa Puntland, kuwaa oo ku hawlan amni daro iyo qalqal galinta qaara kamid ah Dagmooyin ka tirsan Galmudug.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa ugu baaqay in Degmada Caabud-waaq ay usoo diraan Ciidamo dheeraad ah oo suga amniga iyo xasilloonida halkaa.

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeen-ka Galmudug waxaan ka codsaneynaa inney Magaalada Caabudwaaq soo diraan ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga iyo xasillooni magaalada, ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Faarax Cabdille Xasan.