Golaha Ammaanka ee QM oo wado qorshe lagu soo gabagabeenayo howlgalka ka dhanka ah Burcad badeeda Soomaalida.

52

Golaha Ammaanka QM ayaa soo gabagabeenaya qiimeenta soo afjarida howlgalka burcad badeeda Soomaaliya todobaadyo kadib markii la meel mariyay mudo 3bil ah in lagu daro howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya.

Diplomaasiyiin ku sugan xarunta QM ayaa warbaahinta u sheegay in Golaha uu wado qorshe lagu doonayo in lagu soo afmeero howlgalkaasi mudo sanada ah ka socday xeebaha Soomaaliya kaa oo lagula dagalaamamayay kooxda Burcad badeeda Soomaaliya waxaana barbar socday galbinta maraakibta gargaarka bini’aadamnimo u sida Soomaaliya iyo doomaha u raran ganacsatada Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu codeeyay todobaadkii hore in dib loo fasaxo howlgalka muddo saddex bilood ah, isagoo ka digay in habab sax ah loo baahan yahay in la diyaariyo si loo hubiyo in aysan dib u soo laabanayn dhaqdhaqaaqa Burcad Badeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay ciidamadeedi badda Soomaaliya ay gaareen isku filnaansho inay ilaalin karaan Biyaha Soomaaliya.