Maxmada Ciidamada Xoogga oo xukun dil ah ku riday Askari ka tirsanaa NISA.

24

Maxamed Cali Xuseen oo ah Askari ka tirsan Ciidanka NISA horaantii  Bishii November ee sanadkaan ayuu degmada Beled-Xaawo ku dilay Axmed Sharmaake Cabdullaahi & Sakariye Axmed Gaarane oo shacab, kuwaas oo ku ciyaarayay mid ka mid ah Barxadaha degmada, balse maanta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun  dil ah kuriday.

Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27aad oo ku dhawaaqay Xukunka Askariga ayaa tilmaamay in dood dheer kadib dable NISA Maxamed Cali Xuseen lagu riday xukun dil toogasho taas oo ah qisaasta dilka labada Marxuum dhalinyarada ahaa.

Sidaan oo kale, marar badan ayey dhacday in Ciidanka Dowladda ay si bareer ah iyo si kaleba ay rasaas nool nool ugu ridaan Shacabka jooga halka ay ka howlgalaan, iyadoo dhimashada iyo dhaawaca dadka Shacabka uu joogto ka noqdo dalka, Inkastoo laamaha ammaanka DFS ay sheegaan in lasoo qabtay, ama la daba joogo Askarta dadka Shacabka dhibaatada u geysata oo iskugu jirta dilka iyo dhaawaca.