Diyaarad uu la socday talyaha guud ee Ciidamada Hindiya oo burburtay

22

Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo uu la socday teliyaha ugu sareeya ciidamada Hindiya ayaa ku burburtsy gobolka Tamil Naaduu oo ku yaala koofurta dalka Hindiya.

Warbaahinta Hindiya ayaa sheegtay in diyaarada oo uu la socday Jeneral Bibin Rawaat ay ku dhacday dhul buuralay ah.

Taliska ciidamada cirka Hindiya ayaa sheegay in 3 qof oo ku dhaawacmay shilkaan isbitaal loo qaaday.

Willi dawlada Hindiya war kama soo saarin xaalka teliyaha hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in diyaaradu gebi ahaanba burburtay.