Cumar Filish oo kormeer ku tagay Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.

65

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray xarunta waaxda Caafimaadka ee dowlada hoose Xamar si uu ugu kuurgalo howlaha baaxada leh oo ay waaxdani u heyso bulshada Caasimadda.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa mid mid u booqday xafiisyada Waaxda xarunta Caafimaadka,isagoo wareysiya kala duwan la yeeshay howl wadeenada xaruntani si uu uga dhageesto shaqada ay bulshada u hayaan iyo tayada adeegyada ay bixiyaan.