Ciidanka Puntland oo burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin Bari

118

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay hawlgal qorsheysan ay ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi ku sugnaa buuraleyda Golis ee Gobolkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in hawlgalkaas lagu burburiyay saldhigyo Al-shabaab ay ku leeyihiin buuraleyda Golis.

Hawgalka ayaa waxaa uu ka socdaa dhul cidla’ ah oo aysan joogin dad shacab ah

Laama ammaanka ayaa sheegaya in hawlgalku sii socon doono si Al-shabaab looga saaro Golis.