Kulamo lagu dajinayo xiisadda ka dhalatay Agaasimaha PSF oo ka socoda Boosaaso

35

Waxaa maanta deggan xaaladda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, taasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Ciidamada Ammaanka ee loo yaqaan PSF iyo Ciidamo kale oo ka tirsan Puntlnad.

Dad badan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka barakacay magaalada, iyaga oo ka cabsi qabay in dhexdooda lagu dagaalamo maadaama dhinacyada ay sameysteen dhufeyso waxaana muuqatay xaalad Colaad.

Madaxweynaha Puntland oo xalay hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu san gorgortan ka galeyn sharciga, isla markaasna cidii ka hor imaata lagu qabanayo gacan bir ah.

Muddo hal todobaad ah ayaa ka so wareegtay markii madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ka qaaday agaasimaha hay’adda PSF isla markaana u magacaabay agaasime cusub.

Ciidamada PSF ayaana si adag uga hor-yimid xilka qaadista iyo magacaabista Agaasimaha cusub ee PSF. waxaana ay sheegeen arrintaasi ay ka hor-imaaneyso sharciga iyo dhaqanka Suuban.

Waxaa socday kulamo ay wadaan wax-garadka iyo Odoyaasha Puntland, kuwaasi oo la isku dayayo in lagu dajiyo xaaladda ka dhex taagan maamulka Puntland iyo ciidamada PSF ee taageerada ka hela dowladda Mareykanka.