Goormee la xareeynayaa Odayaasha xulaya ergada dooraneysa Xildhibaannada Gobolada Waqooyi?

55

Waxaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa in la xareeyo qaar kamid aj Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya ergada dooraneysa 16 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee lagu dhawaaqay in la qabanayo doorashadooda.

Guddiga Maamulaya  doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa faray Odayaasha Beesha leh 16 kursi in Maanta oo Arbaco ah taariikhduna tahay 1-da Bisha December inay kusoo xaroodaan Xarunta Guddiga ee Magaalada Muqdisho.

Odayaasha ayaa waxaa la siin doonaa tababar ku saabsan sida ay kusoo xulayaan ergada dooraneysa 16 kursi ee doorashadooda lagu dhawaaqay iyo aqoon kororsi ku saabsan ka qeybgalka doorashooyinka Golaha Shacabka ee socda.

Guddiyada doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa waxaa ay wadaan dadaalkoodii ugu dambeeyay ee ku aadan sidii loo dhameystiri lahaa doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ku leeyihiin Golaha Shacabka.