Yurub Raabi Oo Hambalyo U Dirtay Xildhibaan Kusoo Baxay Kursigii Golaha Shacabka Ee Ku Fadhiday

26

Xildhibaan Yurub Axmed Raabi oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday kursiga HOP233 ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeysay Axmed Cismaan Diiriye oo dhawaan kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP233.

Yurub Axmed ayaa Xildhibaan Axmed Cismaan ugu hambalyeeysay guusha uu ka gaaray doorashadii maalmo kahor ka dhacday Magaalada Muqdisho ee kusoo baxay, isagoo kamid ah noqday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Sidoo kale Yurub Axmed oo afartii sanno ee lasoo dhaafay kamid aheyd Golaha Shacabka ayaa ballan qaaday inay garab taagan tahay, lana shaqeyn doonto Xildhibaanka cusub ee Axmed Cismaan Diiriye oo iyada bedelaya.

Axmed Cismaan ayaa dhawaan ku guuleystay Xubinimada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, isagoo helay doorashadii dhacday 65 Cod, wuxuuna ka guuleystay Musharraxii la tartamayay ee Dayib Cabdulqaadir Jaamac oo isna helay 36 Co