Guddoomiye Cali Yare Oo Beelaha Somaliyeed Uga Digay Inay Usacabtumaan Boqor Buurmadow

29

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa si kulul uga hadlay Khudbad uu dhawaan jeediyay Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddoomiye Cali Yare oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in hadalka kasoo yeeray Boqor Buurmadow ee uu uga hadlaayay dilkii hoggaamiyihii Al-shabaab ee Cabdi Godane uu yahay mid aan la dhageysan karin.

Cali Yare ayaa uga digay Beelaha Soomaaliyeed in ay usacabtumaan Boqor Buurmadow, sidoo kalena u jeediyay Beelaha in ay joojiyaan xafladaha loo sameeynayo soo dhaweynta Boqor Cismaan..

“Hadalkii uu ninka Buurmadoow la yiraahdo ku hadaaqay ma ahan mid inta la dhageysto sidaas iyo si sahlan looga gudbi karo – mana jiro qof laga aqbali karo inuu ku jeesjeeso dhiigga dadka Soomaaliyeed iyo burburka hantidoodii uu Godane ku xasuuqay dalka iyo inuu si toos ah iyo si dadban labadaba u gacan siiyo Alshabaab” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Yare ayaa intaas kusii daray “Waxaa nasiib darro weyn ah inuu Garabtaagnaa Wasiirka Waxbarashada Dalka Mudane Abdullahi Carab oo ah Wasiir Federaal oo aanu wax jawaab ah ka bixin gefkaas Qaranka iyo Ummada loo geystay”

Wuxuu qoraalkiisa Cali Cabdi Wardheere kusoo gaba-gabeeyay:  “Waxaan uga digayaa Beelaha Soomaaliyeed in ay usacabtumaan Barmadoow iyo dadka la midka ah ee Alshabaab u aqoonsan “Dowlad” sida uu Barmadoow sheegay, sidoo kale waxaan u soojeedinayaa in ay joojiyaan xafladaha aan la garan karin caqliyadda ay ku saleeyeen qabashadoodda inta lagala xisaabtamayo”

Si kastaba Boqor Cismaan Abuu Maxamuud (Buurmadow) ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, isagoona soo dhaweyn ballaaran loo sameeyay, isla markaana socdaal ku tegay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.