RW Rooble oo ka hadlay Cabashada ka taagan Doorashada Golaha Shacabka

56

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddiyada Doorashooyinka ku amray in ay ka fogaadaan musuq maasuqa iyo fara-gelin siyaasadeed oo uga timaada Madaxda maamul goboleedyada, xilli ay taaagan tahay cabasho ka taagan Doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul wasaaraha oo kulan la yeeshay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddoonka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, ayaa kala hadlay xal u helista cabashooyinka laga qabo doorashada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa guddiga uga baaqay madaxda Dowlad goboleedyada in ay Guddigada heer Federaal iyo heer maamul u madax banneeyaan Gudashada howlahooda la xiriira arrimaha Doorashada si waafaqsan Hannaanka la dajiyay.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa musharixinta Cabashada qaba ugu baaqay in ay u soo gudbiyaan guddiga Doorashada, si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli ay taagan tahay cabasho xooggan oo laga muujinayo sida ay ku socoto Doorashada Golaha Shacabka ee BFS.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaana kamid ah musharixiinta qaba cabashada, isaga oo sheegay in laga hor is-taagey in uu u tartamo kursiga Hop-103 oo deegaan Doorashadiisu tahay Koofur Galbeed.