Dagaal ka dhacay Jubbada Hoose & faah faahin laga helayo

67

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaannada Yoontoow iyo Cabdalla Bitoole oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Jubbaland ee degaannada Yoontoow iyo Cabdalla Bitoole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka moocyadiisa kala duwan.

Dadka degaannada lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubnaland ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana dagaal ay la galeen khasaaro ku gaarsiiyeen.

Xaaladda degaannadii lagu dagaalamay ee  Yoontoow iyo Cabdalla Bitoole ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana haatan ku sugan Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland.