Madax weynaha Koofur galbeed oo kulan la qaatay Boqor Buurmadow

47

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta KMG ah ee Madaxtooyada  ku qaabilay Wafdi uu horkacayay Boqor Cusmaan Abuu Maxamuud (Buurmadoow) oo maalmihii la soo dhaafay ku suganaa Muqdisho.

Madaxweyne Laftagareen iyo Boqor Buurmadoow oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Somaliland ayaa ka wada hadlay Dhibaatadii Maamulka Soomaliland ay ugeysteen Shacabkii kasoo jeeday Deeganada Koonfur Galbeed ee ku noolaa Magaalada Laascanood ee Gobolka Sool.

Dhankiisa Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Boqorka ugu mahadceliyay garashadiisa ku aadan safarka uu usoo galay raaligelinta, isagoo ka guddoomay, waxaana uu xusay in meelkasta ay soomaali joogto ay yihiin walaalo muhiimna ay tahay iney isgarabsadaan.

Sidoo kale, Warar ayaa sheegaya in inta uu halkaa ku sugan yahay Boqorka uu kulamo la qadaan doono qeybaha kale duwan ee wax-garadka Koofur galbeed, waxaa uu sidoo kale, indho indheen ku sameyn doonaa goobihii la dajiyay dadkii Somaliland ay soo barakicisay.