Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

65

Taliska booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray qaraxa ayaa sheegay in 8-qof ay geeriyootay 17 kalena ay dhaawacmeen, kadib markii gaari Sruf ah a Al-shabaab ku qarxisay afaafka hore ee dhismaha hey’adda Duguf Security oo UN ah.

Qoraalka Booliska ayaa lagu yiri, Abaaro 7:32 am, waxaa Qarax gaari ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Tarabuunka iyo Guriga Ex Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim, gaar ahaan afaafka hore ee Iskuulka Mocaas oo ku yaalla ka soo horjeedka dugsi sare ee Banaadir,
Gaariga Qarxay noociisu waa Surf, kana yimid dhanka Tarabuunka, bartilmaameedkiisu wuxuu ahaa baabuurta waardiyeysa UN-ka ee looyaqaano Duguf Security, khasaaraha uu xaqiijiyey boolisku waa 8-qof oo dhimasho ah iyo 17 dhaawac ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka Booliska