Yaasiin faray oo ka mid noqday xubnihii maanta lagu diiwaan-geliyay Dhuusamareeb.

38

Guddiga maamulaya doorashada Galmudug oo shalay bilaabay diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Hoose ee BS ayaa waxaa ay maanta Magaalada Dhuusamareeb ku diiwaan-geliyeen  5 kursi oo Golaha Shacabka ah, kuwaas oo dhawaan la dooran doono.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa shahaadada musharaxnimo  guddoonsiiyey xubno soo buuxiyey shuruudaha musharaxnimo, kuwaas oo ku tartamaya kuraastaan.

HOP#043
HOP#054
HOP#104
HOP#067
HOP#026.

Sidoo kale, Xubnaha maanta la diiwaan-geliyay waxaa qeyb ka ahaa Musharax Aqalka Hoose ahna kusimaha Agaasimaha Hay’adda NISA Yaasiin Fareey, Xuseen Yuusuf Qaasim Iidow iyo kuwa kale.