Madaxweynaha Puntland oo Ciidamo tababar u soo xiray

55

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dufcadii 4-aad oo ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland tababar ugu soo xiray Xerada tababarka ee Xorgoble ee Magaalada Warsho.

Munaasabadda tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Guddiga dib u-habeynta Ciidamada,Taliyaha Ciidanka Booliiska, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada iyo masuuliyiin kale.

Ciidanka tababarka ku qaatay Dugsiga tababarka ee Xorgoble oo dhan 700 oo Askari ayaa ka kala yimid Gobolada kala duwan ee Puntland, waxeyna tababarka ku qaateen:

1-Baarista Dambiyada
2-Soo bandhigidda Xogta Dembiyada
3-Ilaalinta iyo caawinta shacabka
4-Barshada sharicyada Booliska
Iyo casharo kale oo la xiriira Ciidamada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u-habeynta Ciidamada , Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in la soo af-meeray Tababaradii Ciidamada Booliska Puntland.

Wasiirka, ayaa sidoo kale xusay, in ka Wasaarad ahaan ay ku dadaaleen in ay Ciidamada iyo shaqaalahu xaquuq dooda mushaar helaan bil kasta.

Wasiirka Amniga , Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa si wadajir ah u boggaadiyey dhismaha Ciidamada kala duwan ee Puntland.

Ugu dbey  Madaxweyne Deni ayaa Ciidamada kula dar-daarmay in ay ka shaqeeyaan Amniga dalka si gaar ahna uga shaqeeyaan.

1-suulinta maandooriyaha Khamriga
2-la dagaalanka Argagixisada
3- caawinta Bulshada Puntland

Waxaa xusid mudan in Saraakiisha iyo Ciidamada la gudoon siiyay shahaadooyin kala duwan oo ay ku muteysteen tababarka ay qaateen.