Guddiga KMG ka ee doorashada Puntland oo natiijo hordhac ah kasoo saaray doorashadii golayaasha deegaanka.

93

Guddiga KMG ka ee doorashooyinka Puntland oo war kasoo saaray Doorashadii Golayaasha deegaanka ee ka dhacday Seddex degmo oo kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayaa sheegay in si hordhac ah ay u ansixiyeen natiijadii doorashada.

Sidoo kale, Guddiga KMG ka ayaa Maxkamadda sare ee Puntland ka codsaday in ay ansixiso Natiijada doorashadii sedexda degmo.