Dowladda Jabuuti oo walaac ka muujisay Colaada Itoobiya

10

Dagaalka Itoobiya waxa uu halis ugu jiraa in uu meesha ka baxo horumarka dhaqaale ee 20 sano ee la soo dhaafay ka socday dalka yar ee ku yaal Geeska Afrika ee Jabuuti.

Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa BBC u sheegay in 12-kii bilood ee u dambeeyay uu dalku ku khasaaray lacag u dhiganta kala bar hantida qaranka, ama 1.7 bilyan oo dollar, ka dib markii uu hoos u dhacay dakhligii iyo shaqooyinkii.

Dhaqaalaha dalkan ayaa markii horeba la halgamayay inuu ka soo baxo saamaynta duulaanka Ayaxa, COVID-19 iyo isbeddelka cimilada.

Colaadda muddada sanadka ah ka jirtay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sii xumeeyay khalkhal ku yimid silsiladahii sahayda u ahaa ee u dhexeeyay labada waddan iyada oo ganacsigu hoos u dhacay. kaliya 20 boqolkiiba.

In ka badan 90 boqolkiiba badeecadaha Addis Ababa waxa ay maraan dekedda Jabuuti, taasoo ka soo gasha qarankan lacag u dhaxaysa 1.5 ilaa 2 bilyan oo doolar.

Labada dal ayaa balaayiin dollar ku maalgaliyay dhismaha marin ganacsi oo si toos ah u siinaya Itoobiya inay hesho deked badeed oo ay ku jirto khad tareen oo 470 mile ah oo isku xidha dekedda Djibouti ilaa Addis Ababa, laakiin dhammaan waxa hadda taaganayaa u muuqda xaalad mugdi ah, haddii aan si degdeg ah loo gaadhin xal nabadeed oo lagu soo afjarayo xiisaddan.

Dagaalka ka socda gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigray, saameyn xun kuma yeelan doono mustaqbalka Itoobiya oo kali ah, balse waxaa uu saameyn halis ah ku yaalanayaa dalalka dariska al ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobey António Guterres oo isku dayayay in uu xaaladda dajiyo ayaa ka digay “in xasiloonida Itoobiya ay muhiim u tahay guud ahaan gobolka geeska Afrika”.

Dalka Itoobiya waxaa ku nool dad gaaraya 110 milyan, islamarkana waa mid ka mid ah dalalka sida dhaqsada ah u koraya, waxa walba oo Itoobiya ka dhacana waxaa uu yeelanayaa saameyn ballaaran .