Laamaha Ammaanka DF oo gacanta ku dhigay Jaakado qaraxyo ay ka baxaan.

3

Ciidamada Booliska Soomaaliya gaar ahaan kuwooda ku sugan Siinka dheer ee Duleedka Muqdisho ah ayaa gacanta ku dhigay Jaakado Qaraxyo ay ku xiran yihiin iyo dadkii watay.

Shaqsiyaadkaan ayaa Mooto ku waday Qaraxan, iyadoo Booliiska ay warbaahinta u yeerayn si ay usoo bandhigaan Qaraxa iyo dadkii watay.

Ciidanka ayaa weli baaritaan ku hayo qaraxa la qabtay iyo halka loo waday, balse waxaa la hakiyey dhaq dhaqaaqa deegaankaasi.

Taliska booliska soomaaliya ayaa lagu wadaa inay war kasoo saaraan qaraxyada lagu qabtay maanta deegaanka siinka dheer ee Muqdisho.

Al Shabaab ayaa inta badan fuliya weerarada loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta ah,waxaana dhowr jeer ay sababeen khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac weeraro la fuliyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa degmooyinka muqdisho ka fuliya weerarada loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta ah, kuwaas oo Khasaaro lixaad leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaro dad shacab ah.