Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan kayeelan doona arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

3

Wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee QM , James Swan iyo madaxa AMISOM, Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin looga dhageysan doonaa kulanka Golaha ammaanka ee QM.

Kulanka ayaa maanta oo Arbaca ah 6:da Galabnimo xilliga Muqdisho ka dhici doona magaalada New York ee dalka Maraykanka.

James Swan iyo Danjire Francisco Madeira ayaa waxay QM kaga warbxixin doonaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo xaaladaha Bini’aaddannimo ee dalka.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa xaaladda cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaalla, Amniga  & sidoo kale abaaraha xilligaan kajira meelo badan oo kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.