Axmed Madoobe Iyo Deni Oo Isku Raacay Qorshe Cusub Oo Ku Aaddan Doorashada Golaha Shacabka

16

Iyadoo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed maxamed islaam (Axmed Madoobe) uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Axmed madoobe iyo Siciid Deni ay ku heshiiyeen qorshe yaal dhowr ah oo ku aaddan doorashada dalka ka dhacaysa, gaar ahaan tan Golaha shacabka oo dhawaan si rasmi ah dalka kaga billaaban doonta.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Axmed Madoobe iyo Deni ay isku raaceen Qorshe weyn oo la xariira doorashada Baarlamaanka aqalka hoose, kaasi oo markii hore aan ku jirin qodobadii sida rasmiga ah loogu heshiiyay.

Axmed madoobe oo kulamo aan kala joogsi lahayn la yeelanayay Mas’uuliyiinta Puntland ayaa la sheegay in isaga iyo Deni ay isku raaceen qorshe ah in doorashadu ka dhacdo hal degmo, ama doorashada Golaah Sahcabka lagu qabto hal Magaalo taasi oo ay u sababeeyeen waxyaabo dhowr

Wararka aynu helnay ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee arrintaas ay ku doorteen ay tahay Magaalooyinka qaar oo aysan macquul ahayn in doorasho ika dhacdo, iyagoo u sababeeyay amni darro iyo duruufo kale awgood.

Sidoo kale xogta aynu helnay ayaa intaas ku daraysa in Qorshaha loo bandhigi doono Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda kale ee Dowlad Goboleedyada, kuwasi oo la’aantood uusan socon Karin qorshaha ay wataan laabda mas’uul.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu ka degay Garoowe waxaa uu halkaasi ka waday kulamo siyaasadeed oo ku aaddan arrimaha doorashoouinka,waxaana lagu tilmaamay kulamada Deni iyo Axmed madoobe kuwo ku salaysan is xulafaysi cusub oo waji kale u yeeli doona arrimaha doorayooshooyinka.