AUSSOM oo Soo Dhaweysay Guutada Cusub ee Booliska Ghana

0

Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay guutada cusub ee Ciidanka Booliska Ghana (GFPU-5), kuwaas oo loo kala dirayo magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne.

Guutadan cusub ayaa ka qeyb qaadan doonta taageeridda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyada oo loo marayo hawlgallo wadajir ah, tababaro takhasusi ah iyo la-talin, si loo sii xoojiyo awoodda iyo xirfadaha ciidanka booliska dalka.

Ciidanka GFPU-5 ayaa beddelay guutadii ka horreysay ee GFPU-4, kuwaas oo soo gabagabeeyay muddo-hawlgaleedkoodii kadib markii ay si guul leh uga qeyb qaateen waajibaadka AUSSOM, iyagoo si dhow ula shaqeynayay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Isku-duwaha Booliska AUSSOM, ACP Dr. Samuel Asiedu Okanta, ayaa ciidamada cusub ku boorriyay inay ilaaliyaan heerarka ugu sarreeya ee xirfadda, anshaxa iyo hab-dhaqanka wanaagsan inta ay ku guda jiraan howlaha ay ka fulinayaan Soomaaliya.

Waxa uu xusay in doorka guutada cusub uu muhiim u yahay taageeridda geeddi-socodka ay Soomaaliya hoggaaminayso ee lagu xoojinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka, iyadoo la sii ambaqaadayo dadaallada lagu horumarinayo awoodda hay’adaha amniga Soomaaliyeed.

AUSSOM ayaa weli sii wada taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, tababarrada iyo dhismaha awoodda ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo dowladnimo xooggan.