Faah faahino ka soo baxaya Laba qarax oo ka dhacay Magaalada Kampaala .

27

Laba qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda Uganda, ayaga oo dhaawacay tobaneeyo qof, waxaana booliska ay ku qeexaan weerar lagu soo qaaday magaalada.

Qaraxyada ayaa ka dhacay bartamaha degmada ganacsiga ee Kampala, meel ku dhow saldhigga dhexe ee booliiska iyo halka laga galo baarlamanka, sida ay sheegeen booliska.

“Waxaan dhihi karnaa kani waxa uu ahaa weerar, balse cidda ka dambeysay waa arrin baaritaan uu ku socdo,” waxaa sidaas yiri kaaliyaha kormeeraha guud ee booliska Uganda, Edward Ochom oo la hadlay AFP.

Afhayeen u hadlay wasaaradda caafimaadka, Ainebyoona Emmanuel ayaa twitter kusoo qoray in isbitaalka Mulago ee Kampala lagu daweynayo 24 qof, oo afar ka mid ah ay xaaladdoodu daran tahay