Wariye maalmo ka hor xabsi lagu xukumay oo ‘la sii daayay

8

Wariye Danny Fenster oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala Myanmar, seddex maalmood ka dib markii lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah.

Bill Richardson, oo ahaa diblumaasigii hore ee Mareykanka, ayaa Isniintii sheegay in Fenster laga sii daayay xabsiga, uuna dhawaan ku sii jeedo dalkiisa, isagoo sii mari doona Qatar.

” Richardson waxa uu sheegay in uu kala xaajooday sii deynta Fenster mar uu dhawaan booqday Myanmar markii uu kulamo fool ka fool ah la qaatay Sarreeye Guuto Min Aung Hlaing, oo ah taliyaha milatariga Myanmar.

Wariyahan la xiray ayaa u shaqeyanayay majaladda internetka ee Fenster waxaana lagu eedeeyay in uu ku xad gudbay shuruucda Myammar u yaalla.